Dhageyso:-Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo Muqdisho lagu aasay

Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay wasiirkii Dhalnyarada iyo Ciyaaraha Maamul goboleedka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw libaax kaas oo u geeriyooday dhawac ka soo gaaray Qaraxii Ismiimaadinta ahaa ee shalay ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi.

Salaada Janaasaada ayaa lagula dukaday  Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Federaalka Sooamaliya.

Masuuliyiintii ka qeyb gashay Marxuumka oo lagu aasay Khabuuraha Isbitaalka Madiina  ayaa waxaa ka mid ahaa Dhamaan Wasiirada Arimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka ka jira Xildhibaanada labada Aqal iyo sidoo kale Ehelada Marxuumka.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ka sheekeysay waxa ay ka taqaanay Marxuumka.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media