Dhageyso:-Wasiirka Maaliyada Hir-Shabeelle iyo Xubno kale oo gaaray Baladweyne+Sawirro

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ay weheliyaan,Xubno ka socda Sanduuqa  horumarinta Somaliya  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyay Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee Magalaada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas khaalif ku soo dhaweyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kan Kan Degmada Baladweyne.

Guudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan Xuseen muumin Cismaan iyo Guudoomiyaha degmada Baladweyne  Maxamed cismaan Cabdi Qalafow ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imashaha wafdigan u horkacayo Wasiirka Maaliyada dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan  qeybaha kala duwan ee bulshada inta ay  joogan Magaalada Baladweyne,islamarkana hadafka ay u yimadeen ay tahay sidi loo ogaan laha baahiyaha ay qaban bulshada ku nool Magalaada Baladweyne kadibna loo fulin laha mashaariic lagu horumarinayo Magalaada.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada