Dhageyso:-Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay dagaalka Shabaab iyo isku-dhafka Ciidamada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh ee dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in qorshayaasha Wasaaradda Difaaca Dalka ay tahay Dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maxamed Mursal Shiikh Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go,an tahay Wasaaradda Gaashaandhiga in Guuda ahaanba Dalka laga saaro Al-Shabaab.

Wasiir Maxamed Mursal ayaa ka dhanka kale soo hadal qaaday Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Qaranka ee ay bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya in uusan Dalka caqabad ku noqon doonin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media