Dhageyso:-Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in uu Magacaabayo Gudi Saraakiil ah

Wasiirka wasaaradda Gaashan dhigga Soomaaliya ayaa sheegay inay wasaaradu dib u habayn ku samaynayso Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan wasiirka wasaarada Gaashandhigga Soomaaliya ayaa sheegay inay magacabayaan gudi ka shaqaynaya dib u dhiska dalka iyo ciidamada xogga dalka Soomaaliya sharaftooda sidii loosoo celin lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay inay gudigan dib u dhis ku samaynayaan saldhigyada ciidamada xoggga dalka Soomaaliya iyagoo ka koobnaan doona Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka kuwaasoo shacabka kaashanaya.

Hoos ka dhagayso Codka Wasiirka.