Dhageyso:-Wasiirka Cusub ee gaashaandhigga oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee shalay uun la wareegay xilka ayaa ka hadlay qorshihiisa ugu horreeya maadaama Shaqa adag ay hortaallo,waxa uuna sheegay in bulshada ay garab ka sugayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga   Mudane Xasan Cali ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugayo amniga dalka,isla markaan sidoo kale dib u dhis loogu sameynayo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in uu muhiim yahay sugida amniga dalka,isla markaana looga baahan yahay in Shacabka ay ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab si looga guuleysto.

Waa hadalkiisii ugu horreeyey ee uu sheego  tan iyo markii la magacaabay,isla markaana lagu wareejiyey xilka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,iyada oo Shaqooyin adag ay horyaallaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga.

1336014539867415

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor