Dhageyso:-Wasiirka Amniga oo tegay Balcad kana hadlay Weerarada Al-Shabaab

Degmada Balcad ee Gobolka shabeellaha dhexe ayuu Maanta gaaray Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,waxaana siweyn u soo dhaweeyay masuuliyiinta Maamulka degmada.

Wefdiga Wasiirka ee Balcad ayaa waxaa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ayna u kuurgalayeen xaalada amni ee degmada maadaama maalmahaan ay duleedkeedkeeda ka dhacayeen dagaalo.

Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug ayaa sheegay in Shacabka Balcad ay heysato Saddex ciladood oo kala ah Wadada degmada soo gasha uu burbursan Isbitaal la’aan ka jirta degmada iyo amnidaro maalmahaan ka jirtay.

Sidoo kale wax uu sheegay in Warshada kaliya ee ka badbaaday burburkii dalka ka dhacay in la bililiqeesto ay ku taallo degmada balcad taas oo ah warshada dharka soo saarto ee Soomaali Tax.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in la xaqiijin doono amniga Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo ay dhowr mar weeraro jidgal ah ka fuliyeen Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiir Ducaale in aan marnaba loo dul qaadan doonin isla markaana aanan gacmaha laga laaban doonin weerarada ay Al-Shabaab marwalba ka fuliyaan Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha degmada Balcad

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media