Dhageyso:-Wasiir Yariisow”Sugida amniga dalka Qalab Casri ah ayaa loo isticmaalayaa”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku dadaaleya sidii loo sugi lahaa amniga dalka,iyada oo dejineysa qorshooyin Cusub sidii lagu shaaciyay Shirkii deg dega aha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ee talaadadii shalay.

Wasiirka Warfaafinta  Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in la hubin doono Gaadiidka iyo in loo sameeyo Taargooyin gaar ah Gaadiidka ka Shaqeeya Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la Go’aamiyay in Sugida amniga ay qeyb ka noqdaan qalabka Casriga ah sida Kaamirooyinka Wadooyinka lagu xiro ee CCTV.

Dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo hadal qaadaan sidii loo sugi lahaa amniga,waxa ayna Shacabka Soomaaliyeed ka dalbadaan in ay gacan ka geystaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media