Dhageyso:-Wasiir Mursal oo Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay Saraakiil ka socota Midowga Yurub

Wakiillo ka socda Midowga Yurub iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta tagay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya oo uu Ururka Midowga Yurub dayactiray.

Ergeyga Midowga Yurub u joogta Soomaaliya,Wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiisha kale ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha Wasaaradda ee dayactirka lagu sameeyay.

Wasiirka ayaa Midowga Yurub uga mahad celiyay dayactirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone,ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’antahay taageerada Dowladda Soomaaliya ee dhinaca amaanka ah islamarkaana ay ka kaalmeeyn doonaan Soomaaliya dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Mursal ayaa Midowga Yurub ku amaanay garab istaagga dowladda Soomaaliya ee joogtada ah waxaana uu ugu baaqay in ay halkooda ka sii wadaan.

Hoos Ka Dhageyso Coddka oo dhameystiran

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media