Dhageyso:-Wasiir Khadiijo”Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxa ay kala joogaan Nairobi iyo Imaaraadka”

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay jiraan Mucaaradyo weli doonaya in ay dumiyaan kuwaas oo ku sugan Nairobi iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa ay sheegtay in kuwa badan oo mucaarad ah ay lacago ku soo qaataan sidii dowladda loo dumin lahaa isla markaana horay u hagar daameyn jiray dowladihii dalka soo maray,iyada oo tusaalo u soo qaadatay in iyada horay dhowr mar lagu yiri is casilay.

Dhan kale waxa ay ka hadashay mooshin maalmahan guuxiisu uu socday oo la shegay in laka keenayo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna sheegtay in madaxda dowldda ay yihiin kuwo is raacsan isla markaana aysan jrin cid sikudayi krta in ay rido.

Wasiir Kahdiija ayaa hadalkaan waxa ay ka sheegtay Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka xukuumadda oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Khadiijo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media