Dhageyso:-Wasiir hore Aamino Mursal”Wasiir Khadiijo ayaa Ciidamo igu dalbatay xili aan ku sugnaa Koonis

Amiino Maxamed Mursal oo mar soo noqotay Wasiirka Haweenka Xukuumadda Soomaaliya xiligii dolwadii KMG, aheyd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf kana mid aheyd Baarlamaankii 9,aad ayaa sheegtay in Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ay u adeegsatay ciidamo.

Waxa ay sheegtay in falkaan uu dhacay xili ay socotay Ciyaartii u dhaxeysay Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib markii ay iyada Biyo u geyneysay Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo ay taageero u aheyd maadaama deegaanadaas ay ka soo jeedo.

Waxa ay sheegtay in dhacdadaan ay timid kadib markii Wasiirada ay iskudayday in Kursigii ay ku fdhiday ay ka kiciso.

Hoos Ka Dhageyso Wasiiradii hore ee Haweenka Dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed Amiino Maxamed Mursal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media