Dhageyso:-Wasiir Carmaan”Ma aqbaleyno in Shaqo uu qaban karo qof Soomaali ah uu qabto qof Ajnabi ah”

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay bilaabeyso mashruuc lagu Shaqaaley siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada dalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa  ka soo baxay Agaasimaha  Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa lagu sheegay  in Shaqaleysiinta ugu horeysa laga bilaabi doono Muqdisho,iyada oo la kaashanaya shirkadaha Gaarka loo leeyahay,maadaama wasaaradu aysan awood u laheyn in ay dad Shaqaaleysiiso.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Saalax Carman ayaa sheegay in Wasaradu ay dhowr mar ku cel celisay,islamrkaana aysan aqbaleyn in Shaqo uu qaban karo qof soomaali ah la siiyo qof aan dalka u dhlan.

Hadalkaan ayaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ka sheegay Munaasabad looga hadlayay sidii Shaqa abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media