Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka soomaaliya waxa ay maanta ansixyeen Sharciga Isgaarsiinta Qaranka kaas oo ay horay u ansixiyeen Xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan oo ansixinta kadib Goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Aqalka Sare oo ay ansixiyay Sharciga Isgaarsiita dalka.
Waxa uu sheegay in Sharcigaan uu soo maray wadatashiyo farabadan,islamarkaana haatan kaliya uu sugayo saxiixa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka