Dhageyso:-Wasiir Beyle oo ka hadlay khilaafka Dekada eedeyna u jeediyay Ganacsatada

Muran ka dhashay Canshuur kordhin lagu sameeyay waxyaabaha ka soo dega Dekada Muqdisho ayaa sababay in uu hakad galo dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Marsada Muqdisho,Ganacsato ayaana soo bandhigay cabasho ay ka qabaan hanaanka cusub ee Canshuurta.

Wasiirka MaaliyaDda Xukuumada FederaAlka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Maaliyadda,waxaana uu ka hadlay cabashada kasoo yeereysa Ganacsatada isaga oo iska fogeeyay in wasaaradiisu ay mas’uul ka tahay xanibaada ganacsi ee Dekada Muqdisho, balse waxa ay uu tilmaamay in dhaqaalo badan lagu bixiyay dib u habeynta dekada oo aysan sax aheen in lagu ganacsato oo kaliya.

Wasiir Beyle waxa uu qeexay nooca canshuur kordhinta oo ay sameeyeen iyo sababta ay u canshuurayaan badeecadii oo dekadaba ka soo bixin ganacsatada ayuuna ku eedeeyay in ay diidan yihiin bixinta Canshuurta.

Cabashada ugu badan ee Ganacsatada wax ka soo dejiya Dekada Muqdisho ayaa waxa ay tahay in canshuur kordhinta ay ka jirta Marsada Muqdisho oo kaliya oo dekadaha kale ee dalka aysan ka jirin nidaamkaasi taas oo dhalisay in wasiir beyle uu hadlo arinkaasi.

Waxa ay u muuqataa in uu jiro kala duwanaasho u dhaxeysa Ganacsatada iyo Wasaarada Maaliyadda waxaana la isku khilaafay hanaanka cusub ee Canshuuraha,Xukuumadda Federalka waxa ay leedahay waxaan dooneynaa in aan isku tashano ayna waajib tahay bixinta Canshuurta.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka oo Dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media