Dhageyso:-Wasaaradda Maaliyadda oo lagu eedeeyay in lacago badan ku canshuurto Ganacsiyada Yar yar

Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka  Soomaaliyeed ee SOSCENSA  Diini Maxamed Diini ayaa sheegay in Wasaareadda Maaliyadda Soomaliya ay Canshuur xad-dhaaf ah ay ka qaado Ganacstada yar yare e aan awoodin.

Waxa uu sheegay in aysan Wasaaraddu ka fikirin dadka masaakiinta ah balse ay uun jeceshay Wasaaradu in ay lacag badan soo xareyso laakin aan la isweedyiin lacagta dadka laga qaadayo mayihiin kuwo ay bixin karaan.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in madaxda Wasaaradu xaq u leedahay in dadka dhaqaalaha badan heysta ay Cabshuur badan ka qaadaan halka kuwa Ganacsiyada yar yar heysta ee Caruurtooda ka biisha ay ku wanaagsan tahay in lacagta laga yareeyo.

In kastoo Wasaarada Maaliyadda ay sheegtay in bilihii la soo dhaafay uu kor u kacay dhaqaalaha soo galay wasaaradda Maaliyadda ayaa hadana waxaa jira cabasho Ganacsatada qaar ka imaaneysa kuwaas oo sheegaya in lacago xad-dhaaf ah laga qaado.

Hoos Ka Dhageyso Codka Diini Maxamed Diini.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media