Dhageyso:-Wasaaradda Maaliyadda oo ka hadashay lacagaha Dulsaarka ah ee lagu soo rogay iibka Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo manta Shira Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha Canshuur qaadista Sanadkii tegay iyo kan hadda iyo qaabka Cusub ee Wasaaraddu soo kordhisay.

Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adihii horay lacagta ugu aruurin jiray Dowladda balse aan ka tirsaneyn in Wasaaraddu ay ku guuleysatay in ay la soo wareegto tasina ay dadaal badan ku bixisay.

Sidoo kale Shirkiisa Jaraa’id waxa uu Wasiirku ku sheegay in cid kasta oo qaadeysa tallaabo maaliyadeed ay Wasaradu u suuragashay in ay Xafiisyadooda kala socdaan,sidoo kalena dhammaan cidkasta oo ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ay mushaarkeeda bil walba ay helaan.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu Maanta ka hadlay ka mid ahaa Canshuurta Cusub ee dhawaan Wasaaraddu ku soo rogtay Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha, Xawaaladha , Biyaha  iyo Hoteellada taas oo Shacabka Soomaaliyeed ay badi hadal hayaan.

Waxa uu sheegay in dhammaan ay la shireen Milkiilayaasha  Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo Hoteellada isla markaana ay isla garteen in siwadajir ah ay ula socdaan lacagta la qaadayo halka ay ku baxeyso si Soomaaliya ay isugu filnaato.

Gaba gabadii waxa uu Wasiirka sheegay in dhawaan uu socdo qorsho lagu soo daabacayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah isla markaana la joojin doono isticmaalka lacagta dollarka.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Maaliyadda oo dhinacyo farabadan uu uga hadlay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media