Dhageyso:-Wasaaradda Amniga oo raali gelin ka bixisay xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Muqaal laga duubay Wasiirka amniga ay Maanta lagu faafiyay baraha ay Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka isaga oo raaligelin ka bixinaya weerarka iyo Xarigii loo geystay Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/racmaan C/shakuur Warsame.

Wasiirka Amniga ayaa cadeeyay in uu khalad ahaa werarkaas lagu qaaday Siyaasigan waxaana uu ka codsaday in uu cafiyo dhibtii gaartay arimaha kalana dib la’iskaga imasan doono.

Muuqaalkaan la helay ayaa soconayay wax ka yar daqiiqad waxaana loo badinayaa in lagu duubay Camirada Talefonka

Weerarkii iyo xarigii Siyaasiga C/racmaan C/shakuur Warsame ayaa abuuray xiisad Siyaasadeed taas oo keentay in ay soo dhexgalaan Xildhibaano ka tirsan kuwa Baarlamanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media