Dhageyso:-Wasaaradda Amniga oo faah faahisay Qarax ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qarax Barqanimadii Maanta ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliiska degmada Warta-Nabada gaar ahaan derbiga Jaamacadda Afrika.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banadir,waxana lagu aasay Derbiga Jaamacadda Afrika isla markaana lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in qaraxaas uusan jirin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu u geystay ciidanka iyo waliba Dadka Shacab ah.

Waxa uu sheegay  in qaraxaas ay masuul ka ahaayeen Al-Shabaab oo uu sheegay in ay doonayeen in ay ku laayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media