Dhageyso:-Wasaaradda Amniga oo dejisay qorshaha Amni ee 5 Sano ee Soo socota

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Naasir Siciid Muuse ayaa sheegay in Wasaaradu ay diyaarisay qorsha amni ee dalka Shanta Sano ee soo socota.

Wax uu sheegay in qorshahaas uu yahay mid muhiim ah si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan Adeeg Amni oo wanagsan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha amniga loo dejiyay ay qeyb ka yihiin in la tayeeyo dhismaha Ciidanka,isla markaana la dhiso 32,000 oo Ciidan Booliis ah,taas oo looga hadlay shirar amniga looga hadlayay oo ka kala dhacay Xarumaha Maamul goboleedyada.

Sikastaba Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku dadaaleysa sidii loo heli lahaa qorsho lagu sugo amniga dalka taas oo ay siineyso muhiimada koowaad.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media