Dhageyso:-Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliland oo u hanjabtay Maamulka puntland

Wasaarada Gaashaandhiga Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalkii saacadihii la soo dhaafay Magaalada Buuhoodle ka dhacay,kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaaac ah.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Mamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo Maanta Saxaafada kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dadkii halkaasi ku wada dagaalamay ay kala dhexgaleen ciidamada Maamulka soomaaliland.

Waxa uu sheegay in Magaalada Buuhoodle ay dhibaatooyin adag,ay ka jiraan waxa uuna digniin u diray maamulka puntland oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan doorashooyinka Soomaaliland ee Gobolada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in aysan welwel ka qabin dhibaatooyin kaga yimaada dhanka Puntland ayna iska difaaci doonaan sida uu hadalka u dhigay..

Qoraa Cabduqadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Soomaaliland

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media