Dhageyso:-Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Shaacisay in ay Amisom ka baxayaan Garoonka Stadium Muqdisho

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo Maanta daah furtay Barnaamij loogu magacdaray (weeydiis Saaxiibkaa) ayaa ka hadashay qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Amisom ee Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in Wajigii labaad ee ka bixitaanka ciidamada Amisom ee Xarumaha Muhiimka ah la soo gaba gabeeyay islamarakana ay ugu dambeeysay Jaamacadda Gaheyr.

Waxa ay sheegtay in wajiga Saddexad uu noqon doono ka bixitaanka Amisom ee Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho..

Hadalka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili rajo weyn laga qabo in Garoonkaas ay Ciidamada Amisom isaga guuraan.

Hoos Ka Dhageyso Codka wasiirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media