Dhageyso:-Wasaarada Amniga oo Shaacisay halka laga soo qabtay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee G/Banaadir

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidamada Amniga Soomaaliya howlgal ay ka sameeyeen Suuqaweyn ee Bakaaraha  ay Gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka dagaalyahanada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa yeeshay kulan Deg deg ahaa kaas oo looga hadlayay dhanka amniga iyo waliba sidoo kale Guulihii laga gaaray howlgallada ciidamada Xasilinta amniga Muqdisho ay ka wadaan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.

Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Amniga Soomaaliya ay Maanta Gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolkaan Banaadir kaas oo lagu magacaabo C/Waaxid Khaliif Axmed dhanka Al-Shabaabna looga yaqaanay (Ciisa Tarabuun).

Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Sarkaalkaan uu ka dambeeyay dilalka dad badan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho islamarkaana amarkiisa ay raga wax dila fulin jireen waxa uuna sheegay in laga soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen SuuqaWeyn ee Bakaaraha.

Waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir in ay dul qaataan inta uu socdo howlgalka maadaama la xiray Wadooyinkii jidcadayasha ahaa ee ku yaallay Xaafadaha Muqdisho islamarkaana ay ku dhuuman jireen inta uu howlgalka socdo Gawaarida ay wataan raga ka tirsan Al-Shabaab uuna rajeynayo in mudo kooban lagu soo gaba gabeeyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media