Dhageyso:-Wasaarada Amniga oo faah faahisay qaraxii Saldhiga degmada Waaberi

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga degmada Waaberi waxana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah uu geestay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka degamda Waaberi ayaa sheegay in qaraxas uu ahaa Gaari ay ka buuxaan waxyaabha qarax kaas oo yaalal Albaabka hore ee Saldhiga islamarkana uu qarxay,waxaana Burbur xooggan uu soo gaaray qaar ka mid ah Carwooyin Dharka lagu iibiyo iyadoo ay Maanta ahaayeen kuwo Mashquul ah.

Qaraxaas dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirk Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Awlibaax.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud (Sayid Carab)  ayaa sheegay in Gaariga qarxay uu ahaa Nooca raaxada ee loo yqano  SURF.,islmarkaana ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux halka 7 kle ay ku dhaawacmen.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shegay in ysan jirin Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaliya oo qaraxaas ku dhintay,waxa uuna ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media