Dhageyso:-Wasaarada Amniga oo Ciidamo dheerad ah geyneysa Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Wasaaradu ay diyaarisay qorsho wax looga qabanayo Amniga degmada Balcad iyo tuulooyinka hoostaga.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Wadada xiriirisa Balcad Iyo Jowhar maalmahaan ay soo badatay weerarada Shabaab ka geysanayaan  isla markaana aan loo dulqaadan doonin weeraradaas.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in la diyaariyay Ciidamadii ka howlgeli lahaa Wadadaas si ay Amniga u xaqiijiyeen, isla markaana Shacabka laga doonayo ay ay garab siiyaan ciidamada.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhibaato lagu qabay Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar kadib markii ay Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro jidgal ah,waxana dhawaan la geeyay ciidamo Milateri ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media