Dhageyso:-Wariye Maalintii Shanaad ku xiran Saldhigga Jowhar

Ciidamada Booliiska Magaalada Jowhar ayaa 28,kii Bishaan waxa ay Xabsiga dhigeen Wariye Cabdi Shakuur Shaashaa oo ka mid ah Wariyayaasha ka howlgalla Gobolkaas ahna Milkiilaha Idaacadda Cityfm ee Magaalada Jowhar.

Maalintii Shanaad ayuu ku jiraa Xabsiga Jowhar,waxana la sheegay in amarka lagu xiray Wariyaha ay leeyihiin Maamulka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo aan weli soo bandhigin sababaha loo xiray.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe Ismaaciil Cabdulle Zabriye ayaa sheegay in ay Masuuliyinta Maamulka kala hadleen balse ay u sheegen in madaxtooyda Hir-Shabeelle uu u xiran yahay isla markaana xarigiisa uu noqday isku tuur tuur sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle ay iminka wadaan xal ku aadan in uu  xurriyadiisa helo Wariye Cabdi Shakuur Shaashaa.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Wariyayaasha Gobolka Shabeellaha dhexe ay ka dalbanayaan Maamulka hir-Shabeelle in ay dib xurriyadiisa u siiyaan Wariyaha maadaama ilaa iyo hadda aysan cadeyn dembiga ay ku heystaan.

Hoos Ka Dhageyso  Wareysiga Ismaaciil Cabdulle Zabriye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media