Dhageyso:-Wararkii u dambeeyay ee dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Saaka waxaa kasoo cusboonaday xiisaddo colaadeed taas oo timid markii saaka lagu dilay labo nin kadib rasaas ay isku fureen Maleeshiyo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku geriyooday laba ruux oo Shacab ah,kuwas oo ku sugnaa goobtii uu dagaalka ka dhacay.

Gudiga Nabad Galyada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa wadda dadaalo lagu xoojinayo nabad Galyada Suuqa Weyn ee magaalada Gaalkacyo ah goobta saaka uu ka dhacay dilkan.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas kaas oo dadaalo ugu jira sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada Gobolka Mudug.

Wariye Cabdi Csiis Xidig oo ku sugan Gaalkacyo ayaan ka Wareysanayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media