Dhageyso:-Waqtiga uu furmayo tartanka Kubada Cagta Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir oo la shaaciyay

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay qorsheysay furitaanka tartanka Kubbada Cagta Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaas oo ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Tartankaan ayay Wasiir Khadiijo sheegtay in uu furmayo 7 Bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota,waxaana Muqdisho ku sugan inta badan Ciyaartooydii Dowlad Goboledyada ee ka qeyb geli lahaa.

Waxa ay sheegtay in Wasaaradu ay u xilsaartay Daryeelka ciyaartoyda iyo hoteeladii ay degi lahaayeen Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliya.

Tartaanka Kubadda Cagta Maamul goboledyada iyo gobolka Banaadir ayaa qorshuhu ahaa in lagu qabto Magaalada Kismaayo balse loo soo wareejiyay Muqdisho kadib markii Jubbaland ay sheegtay in dhismo uu ku socdo Garoonkii lagu qaban lahaa Ciyaartaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media