Dhageyso:-Waqtiga uu furmayo Shirka dhameystirka heshiiskii Gamudug iyo Ahlusunna oo la shaaciyay

Maamulka degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay  faah faahin ka bixiyeen shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee ka furmaya Magaaladaas.

Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Nuur Cilmi Cabdulle oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in shirkaas uu Maanta oo Talaado ah ka furmayo Dhuusa Mareeb isla markaana Madaxweynaha iyo wufuud kala duwan ay Maanta tegi doonaan Magaalada Dhuusa Mareeb.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Xubno ka socda Beesha Caalamka ay Maanta tegi doonaan Dhuusa Mareeb, si ay korjoogto uga noqdan heshiiskaas,waxana haatan laga dareemayaa Dhuusa Mareeb diyaar garoowga Shirkaas.

Ammaanka Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxana Maanta tegaya wefdiga Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan Cadaado,iyada oo shirkaas uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee la’isugu daro Galmudug iyo Ahlusunna.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Dhuusa Mareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media