Dhageyso:-Wafdi uu hogaamanayo Wasiirka Dastuurka oo gaaray Jowhar lana kulmaya Madaxda Hir-Shabeelle

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta gaaray wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Wefdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaan Cawaale Qeybdiid,waxana soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay Wasiir Xoosh ayaa waxa uu sheegay in ujeedada safarkooda ee Jowhar uu yahay in ay wadatashi kala sameeyaan Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle dib u eegista Dastuurka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan wadatashiyo kale oo ay la sameyn doonaan Madaxda Maamul goboleedyda dalka ka jira,isla markaana ay ku howlan yihiin sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka qabyada ah ee dalka.

Saacadaha soo socda ayay wefdiga la kulmi doonaan Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Xoosh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media