Dhageyso:-Wadahadalo u bilaawday Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland iyo Xisbiga WADANI

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Musharax Madxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo ay dad ku geeriyoodeen.

Marka hore waxa uu ka dalbaday Ciidamada Maamulka Soomaaliland in ay Shacabka dhowraan isla markaana aysan u adeegsan rasaas nool nool.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu wadahadal u bilaawday Masuuliyiinta Xisbiga WADANI iyo Guddiga doorashooyinka kadib markii Xisbigaas ay horay u sheegen in ay Wadashaqeyntii guddiga ay hakiyeen.

Waxa uu sheegay in kulankooda uu Maalintii labaad socdo isla markaana uu rajeynayo in Guul laga gaari doono wadahadalkooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Musharax Cirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media