Dhageyso:-Wadahadalo Kenya uga socda Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa iminka wadahadlo uga socdaan madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca Sheekh Shaakir Cali Xasan.

Wadahadaladaas ayaa waxaa garwaden ka ah dowladda Kenya iyo Madax ka socota Urur goboleedka IGAD si xal looga gaaro khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Kulamada oo ah kuwo Maalmaahan socday ayaa waxaa goobjoog ka ah labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlusuna oo ay kala hoggaamiyaan Xaaf, Sheekh Shaakir.

Nabadoon Cabdullaahi Cali Faarax oo ka mid ah Waxgaradka deegaanada Galmudug ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay tahay mid loo baahnaa isla markaana hadii ay heshiiyaan ay dan ugu jirto Dadka ku nool Gobolada Dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Nabadoonka oo Dhameystiran.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media