Dhageyso:-W/Amniga oo sheecisay in Maxkamad la soo taagayo Koox magaca dowladda Shacabka ku dhici jiray

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa baaritaano ku heysa rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya oo mararka qaar dhibaato u geysta Shacabka ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Arrintaan ayaa timid kadib markii ay cabasho ka timid Shacabka ku Ganacsada Suuqa degmada Kaaraan oo maalin ka hor dad lagu dilay shalayna ay banaanbax sameeyeen kadibna ay Ganacsigoodii xireen wallow markii dambe la xaliyay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiil Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa sheegay in baaritaano lagu hayo rag wata dareeska ciidamada walbana Shacabka dhiba,iyaga oo Magaca dowladda lacag baadah  ku qaata.

Waxa uu sheegay in cid kasta oo ku cadaata amnidarada ay ka cabanayeen Shacabka Karaan in ay maxkamad la tiigsan doonaan isla markaana dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin Nabadoonkii ka daba yimaadana ee difaacanba Xabsiga ay dhigi doonaan.

Sikastaba shalay ayaa ciidamada Nabad-Sugida iyo booliska Soomaaliya waxa ay Gacanta ku dhigeen todobo ka mid ah Maleeshiyaadkii ay ka cabanayeen Shacabka ku Ganacsada Suuqa degmada Kaaran ee gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenk Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media