Dhageyso:-Turkiga oo Dad lixaadka naafo ka ah Maanta u qeybiyey Gawaari+Sawirro

 

Hay’adda Bish Cas ee Dalka Turkiga ayaa Maanta waxa ay Gawaarida ay ku socdaan dadka Naafada ah waxa ay u qeybisay ilaa 80 Ruux oo isugu jiray  Caruur,Haween iyo rag naafo ah,isla markaana ku sugan Muqdisho.

Goobta lagu wareejinayay deeqdaan Gawaarida ah ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya  Olgan Baker,guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo masuuliyin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu baaqay dadka fursada u helay in ay qalabkaan helaan,isla markaana sidii loogu talo galay ay u adeegsadaan.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed dhankooda looga baahan yahay in ay garab istaagaan walaalahoda Turkiga oo had iyo jeer u taagan Caawinta dadka Soomaaliyeed.

Safiirka Dalka Turkiga u fadhiyo Soomaaliya  Olgan Baker ayaa isna waxa uu sheegay in dadkaan naaafda ah ee Maanta ay siiyeen Gawaarida ay ku socaan looga baahan yahay in ay u isticmaalaan sidii loogu talo galay,isla markaana dowladda Turkiga ay siiwadi doonto caawinta dadka Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media