Dhageyso:-Tiro Dad ah oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay Gaalkacyo

Weli waxaa magalada Gaalkacyo ee Xarunta gooobolka Mudug ka socda howlgalla lagu xaqiijinayo amniga akdib markii ay kordheyn falalka amnidarro ee ka dhacaya Magaaladaas.

Ciidamada Isku-dhafha ee loo sameeyey Gaalkacyo ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magalada Gaalkacyo,iyaga oo howlgalakas ku soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah kuwaas oo lagu eedeynayo in falal amnidarro ay ka geysteen Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in  howlgallada ay yihiin kuwo amniag lagu sugayo,isla markaana ay noqon doonaan kuwo si joogto ah u socda.

Waxa uu baaq u diray Waalidiinta dhalinyaro uu sheegay in xiliyada habeenkii ay dadka ka furtaan ama ka dhacaan Mobeelada kuwaas oo uu ku eedeyay in markii Carruurtooda gacanta lagu dhigo ka daba yimaada kuna tilmaama in aysan gelin wax dembi ah.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Howgalka Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media