Waaxda Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ayaa shaacisay in ay bilaabeyso qorsho ay ku diiwan gelineyso Masaajida ku yaalla Gudaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Qorshahaan ayay Wasaaraddu shaacisay in maalamaha soo socda ay bilaabi doonto xili ay kala hore shaacisay in ay isasoo diiwan geliyaan dhammaan Masaajida iyo Xarumaha kale ee Diinta lagu barto.
Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta Sheekh Cli dheere ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan tirakoobka Masaajida,isla markaana Xamar lagu soo kordhiyo ilaa 300( Saddex Boqol) oo Masjid kuwaas oo lagu dukan karo Salaada Jimcaha.
2-dii Bishii la soo dhaafay ee January ayay aheyd markii Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ay amartay in ay isa soo diiwaan Geliyaan Masaajida & Dugsiyada Quraanka ee ku yaalla Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha.