Dhageyso: Tirada Dhimashada Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho Oo Sii Korortay

Agaasimaha Cisbitaalka Daaru-shifa Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Ka war Bixiyay Tirada Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Maanta Ka dhacay Meel Udhaw Saldhiga Boliiska Dagmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabaas Ayaa Waxa Uu Sheegay In Hada Daawacyada Qaarkood ay Ubaahanyihiin Baxnaano Aad Uwanaagsan Isla Markaana Dhaawacyada Qaarkood Markii La Dabiibay Ayaga Oo Bad-qaba Ay Hooygooda Aadeen Sidoo Kalana Ay Jiraan Dhaawacyo Wali Lala,yahay Eheladooda .

Dhaawacyada Maanta Cisbitaalka Daaru-shifa Lageeyay Ayaa Waxa Ay Gaarayeen 14 Ruux Oo Uu Ku Jiro Qof Isagu Geeriyooday Inta Cisbitaalka Loosoo Waday 5 Ruux Ayaa Hada Iyaga Oo Caafimaad Qaba Cisbitaalka Laga Saaray.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Agaasimaha Cisbitaalka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media