Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uusan ogolan doonin in Muqdisho qeyb ka mid ah lagu daadiyo qashin lagana qeyb qaato bilicdarada Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in dhowr mar ay sameeyeen wacyigelin buuxda basle xiligaan wixii ka dambeeya Maamulka gobolka Banaadir uu talaabo ka qaadi doona cidii qashin ku daadisa Magaalada dhexdeeda ay ula dagaalami doonaan Al-Shabaab oo kale sida uu hadlka u dhigay.
Hadalkaan ayaa Gudoomiyaha gobolk Banaadir wax uu sheegay xili Maanta uu ka qeyb galay Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay Waaxda Xalane ee degmada Wadajir.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Thaabit