Dhageyso:- “Thaabit Wada kasta waan u mareynaa anaga iyo Shacabka Amniga Muqdisho”

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka Go’an tahay soo celinta kalsoonida Shacabka ay ku qabaan dowladdooda.

Wax uu sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya laamaha amniga ay ku dadaalaayaan sidii loo sugi lahaa amniga balse Shacabka Reer Muqdisho dhankooda laga doonayo in ay Ciidamada la Shaqeeyan.

Hadalkaan ayaa gudoomiye Thaabit waxa uu ka sheegay Munaasabad shalay ka dhacday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir taas oo loogu magac daray kulanka Hiigsiga Caasimadda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media