Dhageyso:-Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo geeriyooday

Alla ha u naxarariistee, waxaa  magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa mudo ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka oo ugu dambeyn u geeriyooday Xanuunkaas.

Waxa uu ahaa taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya,sidoo kalena uu ka mid ahaa 8 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee lagu soo tababaray dalka Talyaaniga.

Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo loo yaqaanay Haamaan, waxa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Sanadkii 1926,dii sida ay xaqiijiyeen Caruurtiisa

Cabdi Maalik oo qaba Gabadhiisa ayaa xaqijiyay Geeridiisa halka Janaraal  Maxamed Cusmaan Qaadi, oo ah Janaraal dhanka Milateriga ah uu ka sheekeynaya Taariikhdiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media