Dhageyso:-Taliye Sambaloolshe oo u hanjabay Masuuliyiin uu sheegay in ay ku hadlaan Afka Cadawga

Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa  sheegay in ay jiraan dad raadinaya Xumaanta dowladda islamarkaana Baraha Bulshada soo dhigaya waxyaabo aan wanasganeyn ,iyaga oo sheeganaya qaarkood in ay  xasaanad leeyihiin kana tirsan yihiin Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay yihiin dadkaas kuwo aan fiirineyn wanaaga ay sameyneyso dowladda Soomaaliya balse ay waxwalbo ka fiirinayaan Xumaanta taasina ay tahay Nasiibdaro.

Waxa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray  in Xuriyatul Qowlka ay jiraan waxyaabo aan laguu ogoleyn oo ay ka mid yihiin kicinta Shacabka iyo wax u dhimida danta Qaranka,qof walbana sida uu u jecel yahay in aan loogu xadgudbin uu qofkaas si masuuliyad ah u ilaaliyo.

Hadalka taliyaha Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili Saacadihii la soo dhaafay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya uu soo dhigayay Bartiisa Facebook hadalo ay ka mid yihiin Qorsho Xumo amni oo dalka ka jirta iyo in aan dalkaan lagu maamuli Karin Wareegto iyo shir Jaraa’id.

Hoos Ka Dhageyso Codka taliye Sambaloolshe kana Akhriso hadaladii Xildhibaan Mahad Salaad uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media