Dhageyso:-Taliye Qodhob “ Maleeshiyo Isbaheysi ah oo ka yimid Galmudug ayaa na soo weerartay”

 

Taliyaha Ciidamada Maamulka Puntland ee Aaga deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay dagaal xalay Ciidamada Puntland iyo kuwa kale ku dhexmaray deegaanka Jeexdin,dagalkaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Taliye Cabdirashiid Qodhob oo la hadlayay Warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa sheegay in weerarkaas ay ku soo qaadeen Ciidamo Isbaheysi ah oo isugu jira kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in weerarkaas lagu soo qaaday ay iskadifaaceen,islamarkana ay ka dileen qaar ka mid ah dadkii soo weeraray,islamarkaana lagu arkay Astaamihii lagu yaqaanay Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Weli dhanka Galmudug wax jawaab ah kama bixin sheegashada saraakiisha Puntland in ay soo weerareen Maleeshiyaad ka yimid dhanka Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media