Dhageyso:-Taliye Gorod oo shaaciyay in Maxkamad lahor keeni doono dadkii weeraray Hoyga Cabdi Qeybdiid

General C/weli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa si adag uga hadlay weerarkii maanta lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Taliyaha oo soo kormeeray hoyga la weeraray oo ku yaala Degmada Hodan, ayaa sheegay in ciidankii weeraray ay dhibaato baahsan gaarsiiyeen gurigaasi.

Wuxuu iftiimiyay in kuwii soo amray ciidankii weerarkan gaystay ay ujeedo uun ka lahaayeen weerarkaasi, diyaarna ay u yihiin inay ka daba taggaan, soona qabtaan.

General C/weli Jaamac Xuseen, ayaa muujiyay sida ay Madaxda Qaranka kaga xun yihiin tallaabada sharciga ka baxsan ee lagu weeraray hoyga Senator Cabdi Qaybdiid.

Madaxda Qaranka ayaa si-iskumid ah waxa ay sheegen in ay aad uga xun yihiin weerarkaas,kuwas oo sheegay in cadaalada la horkeeni doono ddkii ka dambeeyay weerarkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka taliyaha xoogga dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media