Dhageyso:-Taliye Gorod oo Maanta kormeeray Xero ay ku jiraan Ciidamo lagu wareejiyay dowladda

Taliyaha ayaa waxaa kormeerkiisa uu Maanta ku tegay Xerada 54,aad ee duleedka degmada Garoowe ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland oo uu ugu horeeyay taliyaha Ciidamada Siciid dheere

Cabduweli Jaamac Xuseen Gorod taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo indh indheeyay Xarumaha Ciidmada ee Xerada iyo waliba xaalada ay ku nool yihiin.

Hadalo uu u jeediyay Ciidamadaas ayaa taliye Gorod waxa uu sheegy in Puntland ay noqoneyso meeshii ugu horeysay ay ka bilaabaayan isku-dhafka Ciidamada xoogga dalka.

Waxa uu kula dardaarmay ciidamada uu Maanta xeradooda ku booqday oo ah Ciidamada Daraawiishta Puntland balse dhawaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan Sugida amniga dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Gorod.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media