Dhageyso:-Taliye Gorod oo amray in laxiro gudoomiyihii qashin lagu arko degmadiisa

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen,Cabduweli Jaamac Good ayaa marka hore sheegay in magalada Muqdisho xilligaan ay tahay mid qashin uu ka buuxo,isla markaana taasi aysan macquul aheyn.

Waxa uu sheegay taliyuhu in Magaladu Muqdisho ay tahay mid dayacan oo lagu arkayo qashin farabadan taasina ay masuul ka yihiin Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka gaabiyey in shacabkooda ay ku dhiirageliyaan.

“Runtii aniga maba aqbaleyn in magalada in ay qashin u dayacan tahay,waxad arkeysaa qashin iyo biyo dhex yaallo magalada gudaheeda,waxana masuul ka ah gudoomiyaasha,taasi waxay tahay waa in la xiraa guddoomiyihii qashin lagu arkaa degmadiisa ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya.

Hadalka taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho eng,Cabdiraxmaan Yariisow uu mar walba sheego in muhiimada 1aad ee gobolka Banaadir uu yahay dhanka nadaafada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media