Dhageyso:-Taliyayaasha Nabad-Sugida Booliska iyo Asluubta oo la Magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeehsey kulan deg deg ah ayaa waxaa ay soo magacaabeen taliyaasha cusub ee Booliska,Nabadsugidda iyo Asluubta.

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlaya arrimo badan oo horyaal xukuumadda,waxaana kamid ahaa magacaabista Taliyaha Booliska oo loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen ,iyadooTaliyaha Asluubta loo magacaabay S/guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Magacaabista Taliyaasha Nabad sugidda iyo Booliska ayaa in muddo ah la sugayay,kadib markii xilalkii horey looga qaaday taliyaashaasi.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga guud ee Dalka.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa Warabahinta u Akhriyay Magacaabista Taliyayaasha.

Hoos Ka Dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media