Dhageyso:-Taliyaha Xoogga dalka oo Amray Ciidamada Milateriga ee ku sugan Bariire+Sawirro

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Axmed Jimcaale Geedi “Cirfiid” iyo Madaxda Hooganada Saadka  iyo wardoonka Cidanka Xoogga Dalka ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo uu kamid yahay Abaanduulaha Cidanka Xoogga Dalka  janeraal Cabduulaahi Cali Canood

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu Generaal Cirfiid ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagula dagalamayo  Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale,Generaal Cirfiid oo  la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media