Dhageyso:-Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Booqday Xerada Caruurta Agoonta ee D/Afgooye+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa maanta howlo shaqo ah ku tagay Xero  Kacaan  isagoo ay  garba socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta  waxaana uu  kuurgalayay Xalada nololeed ay ku suganyihiin caruurtaasi,

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas xuseen Xasan Cismaan ayaa soo kormeeray  qolka ay jiftaan iyo  goobta rashiinka ay ku cunaan,

Sareeye Gaas xuseen xasan cismaan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa fahfahiyay socdaalka uu ku tagay xerokacan.

Qaar kamid ahCaruurtaan agoonta ee ku jira xero kacaan  ayaa u mahadceeliyeen madaxweynah jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo, iyo taliyah Ciidanka Asluubta soomaaliyeed Sareeye gaas xuseen xasan cismaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas xuseen Xasan Cismaan ayaa tilmaamay  in ay ku dadaalyaan ka warqabka caruurtaasi Agoonta ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media