Dhageyso:-Taliska xoogga dalka Soomaaliya oo Ciidamo dhigay Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar

Taliska Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 27,aad ayaa faah faahin waxa ay ka bixiyeen ciidamo Cusub oo la geeyay Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay weeraro ka geysanayeen Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27,aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Koronto ayaa sheegay in ciidamadaan la geeyay deegaanadii ay weerarada ka geysan jireen Shabaab.

Waxa uu sheegay in deegaanada Gololeey, Raaxooy iyo Ceelka Geeloow oo dhamaantood ku teedsan Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ay ciidamadaas geeyeen.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaan ay ka hortegi doonaan weerarada jidgalka ah oo marwalba ay Shabaab Wadadaas ka geystaan isla markaana xiligaan wixii ka dambeeya ay Masuuliyiinta mari karaan.

Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa dhawaan ku sigatay in ay xiranto kadib markii habeen iyo Maalin ay weerar jidgal ah ka geysanayeen Al-Shabaab oo Wadadaas soo galayay,waxa ayna ku dileen Ciidamo iyo Saraakiil Ciidan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media