Dhageyso:-Taliska Xoogga dalka oo ka jawaabay Eedeyn ka timid Darawalada Gaadiidka Muqdisho & Afgooye

Maanta ayaa Darawalada Gaadiidka ka howlgalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxa ay dhigeen dibadbax ay uga cabanayeen isbaarooyin horleh oo ay sheegeen in ay soo dhigteen ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Intaasi kadib Dalsan ayaa xiriir la sameeysay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si aan wax uga weeydiino eedeynta ku aadan in ciidamada Milateriga ay isbaarooyin farabadan dhigteen Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliyaha Ururka 15,aad qeybta 12 Apriil Gaashaanle dhexe Cabdirxmaan Salaad Xujaale hoggaaminayana Ciidamo howlgallo ka wada inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha ilaa Afgooye ayaa beeniyay Warka ka soo yeeray Darawalada Gaadiidka.

“Horta waxaan idiin sheegayaa in ay tahay been in isbaarooyin ay milateriga soo dhigteen Ceelasha Biyaha iyo Afgooye inta u dhaxeysa,waa dad neceb amniga iyo howsha la wado,wxay u adeegaan Alshabaab oo dadweynaha adeegsanaya ayuu yiri taliye Cabdiraxmaan.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dhowr isbaaro ay Wadada u taallo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

Warbixinta Warkaan waxaa Afgooye ka soo diray Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media