Dhageyso:-Taliska Xoogga dalka oo ka digay dagaalo ka dhaca Gaalkacyo

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21 ee ka howlgala Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Howlgalo Ciidamada ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug.

Taliyaha qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdulaahi Aadan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa  sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Sooomaaliyeed ku guulaysteen in ay kala qaadaan maleeshiyaad ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku Dagaalamay Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolkaasi.

Taliye Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in Magaalada Gaalkacyo Dagaal ku dhexe maro dadka walaalaha ah Ciidamada Xoogguna tilaabo ka qadi daan cid kasta oo loo arko in ay Amniga wax u dhibayso.

Ugu dambeyn waxa uu uga digay maleeshiyadkii horay u dagaalamay in ay markale iskudyaan in ay colaad ka abuuraan Magaalada Gaalkcyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media