Dhageyso:-Taliska Xoogga dalka oo faah faahiyay dagaalkii Duleedka Balcad

Gelinkii dambe ee Maanta  ayaa dagaal  Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Shabaab waxa uu ku dhex maray tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka oo dadka deegaanka ay sheegeen in uu ad u cuslaa ayaa waxa uu ka dhacay deeagano ay ka mid yihiin Daniga Baaloow , Basra iyo Bagdaad oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leyihiin Internet-ka waxa ay ku soo qoreen in ay Ciidanka dowladda kala wareegeen deegaanada Basra iyo Danida balse Dalsan ayaa arrintaas wax ka weeydiisay taliska Xoogga dalka Soomaaliya.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Genaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo u waramay Dalsan ayaa beeniyay Wararka ka soo baxay Al-Shabaab waxa uuna sheegay in Goobtaas ay tahay dhul aan cidna daganeyn sidaas daraadeedna uu ahaa mid ay Wadada u galeen mid ka mid ah Gadiidka Ciidanka dowladda isla markaana ay kadib carareen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay dhawaan bilaabi doonaan howlgal ay Al-Shabaab uga daba tegayaan Goobaha ay u carareen ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Abaanduulaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media